![]() |
![]() |
|
|
|
| |
|
|||
| |
|
|||
![]() |
|
|||
|
![]() |
|||
![]() |
|
|||
![]() |
|
|||
|
|
More Pictures Please Click here to view Daawo Masawiradii Dadka Codeeynayey
Keith Ellison oo ah ninkii ugu horeeyey ee American Muslim oo ku guuleysta jagada ugu weyn ee Aqalka Congresska ee United States of America. Keith ayaa laga soo doortay meelaha ay ugu badan yihiin dadka Muslimiinta ah isla markaana waxaa ugu sii badan muslimiintaa dadka ku abtirsada Soomaaliya. Keith ayaa ah nin ugu jiray dagaal xoog leh sidii uu kusoo bixi lahaa in mudo ah keith ayaa laga weyn jirin meelaha ay soomaalidu isugu yimaadaan sida moolasha Masaajidada ay Soomaalida ugu badan yihiin ama ayba dhisteen, iyo Xarumaha dhaqdhaqaaqa Jaaliyadda Soomaalida sida Brian Coyle Center. Brian Coyle Center oo ah Xarunta ama Xaafadda ay Jaaliyadda Soomaalidu ugu badani ay degan tahay ayaa lagaweyn jirin. Shalay waxaanu tagnay Xarumaha Doorashooyinka siiba Brian Coyle Center waxaana ku soo aragnay dad tiradoodu badan tahay oo aad u faraxsan isla markaana jecel ineey Codkooda bixiyaan kadibna dantooda raacdaan waxaa meesha buuxd dhaafshay Baabuurta dadka Codeeynaya ay wateen.
Waxaan weydiiyey Hooyo Soomaaliyeed dadka loo codeeynayo iney wax kataqaan markaasaa waxay Hooyadaa igu tiri Hooyo waxaan ka aqaan oo ugu horeeya waa Keith Ellison oo aan meelahaan ku arko ninkan baan u imi meeshan waqtigeeyga qaaliga ahna kuluminayaa. Waxaad arkeysaa odayaasha iyo dhalinyaro farabadan oo sanadan yimi meelaha ama Rugaha Codeeynta isla markaana jecel iney codkooda dhiibtaan. Waxaan lakulmay nin asalkiisa ka soo jeeda wadanka Liibiya lana yiraahdo (TJ) "wuxuuna ugu yiri waxaan ku faraxsanahay inaanu dooraney nin noo hadla isla markaana ah nin Muslim ah waxay noo tahay maantay Taariikh aduunka baal dahab ah ka gashay siiba dhulka mareeykanka isla markaana yiri ilaah baa weyn". Waxaan weydiiyey ninkan in wali lagu dhawaaqin doorashadiisa ama uusan wali si rasmi ah loo baahin inuu soo baxay ee sidee u tiri? Waxaa uu igu yiri TJ oo ah magaca uu watay waxaan ka barinay Rabi intuu istaagayna yiri fiiri waxaa ugu badan meeshaan ama Xaafadahaan Muslimiinta siiba Soomaalida oo jecel inuu soobaxo waa ale mahadii markale yiri kuna sii xijiyey Alaahu Akbar Alaahu Akbar. Dadka Codeeynayey waxaay Duhurnimadii mareeysay codeeynta 400 Xaafada Siidar markii ugu dambeysayna waxaa uu yiri Axmed oo ah wiil dhalinyaro Soomaaliyeed oo u ololeeynayey Keith Ellison baa yiri Codeeyntii hore ee uu ku soo baxay Keith Ellison waxay ku soo gaba gabowday ku dhawaad 480 marka waa guul ineey dadbadani codeeynayaan wali hadana waa duhuradii. Waxaa isha la raacayey dad uun raba ineey ugu shubaan Keith Ellison oo magaciisa sita waraaqo uu ku qoran yahay waxaad umaleeynaysaa inuu u hayey sidii Qof Haraad haya oo kale. Waxaa ugu dambeystii ku soo baxay Keith Ellison oo ku guuleystay Tiro aad ubadan. Tani oo gabi ahaan mareeykanka ku noqotay Baraarug isla markaana Xisbiga layiraahdo Dimoqraadiga ayaa waxay xaaqeen Aqalka Congresska ee Washington D.C midankale oo ah mid taariikhi ah oo ayaduna galeysa baal dahabi.
isku soo wada doob waxaa guulo wax ku ool ah usoo hoyatay Xisbiga Dimoqraadiga.
Kala soo xiriir Somali American Media Assocation (SAMA) Contact us: P.o.Box:
580542 |