![]() |
![]() |
|
|
||||||||||||||||||||||||||
| |
|
||||||||||||||||||||||||||||
| |
|
||||||||||||||||||||||||||||
![]() |
|
||||||||||||||||||||||||||||
|
![]() |
||||||||||||||||||||||||||||
|
|
||||||||||||||||||||||||||||
| |
|||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||
|
Last Updated April 03, 2008
Our New Schedule for SAMA
TV on channel 16 MTN every Friday 6:00 pm and Saturday 4:00 pm
SPNN Channel 15 Every Friday 8:30pm and Saturday 1:30 pm again Sunday @
Twin Cities, Minnesota...
|
|
SAMA oo ka qeyb gashay
Shirweyne Caalami ah oo ay kasoo wada qeyb galeen Miidiyayaasha Mareeykanka oo
dhan siiba kuwa dadka Shacabka ushaqeeya

ACM 2007 International
Conference & Trade Show

Nolosha Soomaalida ku nool
Seattle, Gobolka Washington
Quursiga Qeybtiisa 3aad
Wareeysi SAMA TV layeelatay Ardeyda Soomaaliyeed ee Kuliyadda Minneapolis Community Techical College

Sannad Guuraadii 13aad ee
Jaaliyadda Isutagga Somaliyeed ee Minnesota (CSCM).
Allsomali Online Isniin 14,
May 2007
|
Saturday, September 23. 2006 PRESS RELEASE:, the Minister of Information and Public orientation of the Somali Transitional Federal Government, hereby, on behalf of the Somali....
Somali American Media Association Condemn the killing Swedish cameraman. 25 June 2006
2 May 2006 "Somalia's Tangled Web Becomes Contorted'' 25 May 2006 Somali American Media oo kala qeyb gashay Jaaliyada ku dhaqan magaalooyinka mataanaha Xaflad Balaaran oo lagu soo dhaweeynayey Sanad guuradii 45aad ee kowda Luulyo.... Waxaa ka mid ahaa qudbadii ay SAMA ugu talo gashay Xaflada waana kan sidan walaalayaal marka hore aad ayaad ugu mahadsan tihiin kasoo qeyb galka aad ka soo qeyb gasheen Munaasabadaan Kowda Luulyo. Maanta waa maalin Taariikhi ah oo aan udabaaldageyno Sanad guuradii 45aad oo ah Maalintii Xoriyada laqaatay, iyo isku darkii Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliyeed. Walaalayaal waxaan jecelnahay Maantay anigoo kuhadlayo magaca Somali American Media Association (SAMA) inaan idiin soo gudbiyo arimaha ku saleeysan miidiyaha qeybihiisa kala duwan. Waxaanu wada ogsoonahay mediyaha Soomaaliyeed ineey tira badan yihiin, isla markaana eey leeyihiin wanaagooda iyo Xumaantooda, labadaba. Miidiyaha waxeey ubadan yihiin hal dhinac oo kaliya sida Wararka. Waxaana loo baahan yahay ineey ka hadlaan, qeybaha kala duwan ee saameeya Bulshada, sida Caafimaadka, Dhaqaalaha, Waxbarashadda iyo wacyi galinta guud. Waxaan fariin udireynaa shaqaalaha miidiyaha Soomaaliyeed ee isugu jira sida websiteyada, Tv'yada, Idaacadaha, dhamaantood ineey ku dadaalaan sidii eey uga shaqeeyn lahaayeen isku keenida. Wacyi galinta iyo wadajirka Ummada Soomaaliyeed. Waxeey (Ururka SAMA) ku dadaaleysaa bilooyinkaan soo socda, iney ka shaqeeyso sidii loogaga hortagi lahaa wararka Caadifada ku saleeysan ama kuwa caadeystay ineey Shacabka Soomaaliyeed had iyo jeer ugudbiyaan wararka ku tiri ku teenka ah. Waxaan anagu u istaagnay, hadeynu nahay Ururka SAMA, inaanu shacabka Soomaaliyeed meelkasta eey joogaan usoo gudbino Wararka Xaqiiqda ah ee kala duwan oo dhinac walba leh. Hadaan ka hadalno wax qabadka Ururka Qeybihiisa kala duwan inigoo idiin soo gudbinayo Warbixin yar oo ku saabsan Webka 4somaliwomen.com waxaa aasaasay webkaan gabar soomaaliyeed isla markaana markey weydey website Dumarka soomaaliyeed wax uqabta kana shaqeeya danahooda ayeey isu taagtay oo ay dhistay webkaan ayadoo ugu talo gashey inuu ka turjumo webkaan halganka iyo Horumarka, Dumarka Soomaaliyeed. Waa Shabakadii ugu horeeyey ay leeyihiin maamulaana Dumarka Soomaaliyeed. Waxaana hadda loo aqoon saday inuu yahay The Official Somali Women's Website 4somaliwomen.com tan iyo intuu jiray. Waxay uqabteen hawlo badan Dumarka Soomaaliyeed. Waxeeyna 4somaliwomen.com Uruursheen lacag kaalmo ah oo lagaarsiiyey (Faay Muudeey) gabar Soomaaliyeed oo deen yar aawadeed loo gubay. Waxaay dhawaan ku xireen Urur deeq udirayo (Deeqo) oo ah gabaryar oo ay niman Xoog ku kufsadeen, dhaawac weyna gaarsiiyeen. Intaa waxaa kaloo idiin soo gudbineynaa in Xafladaan ka soo qeyb galay Madaxweynihii ku meel gaarka ahaa ee Maamul goboleedka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi. Maxamed Cabdi Xaashi sidaad la socotaan wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed ee si dimoqraadiy ah uga degay Jagadii ay udoorteen dedweynaha taasoo ku dayasho mudan lagana rabo siyaasiyiinta soomaaliyeed iney sidaas oo kale sameeyaan. Waxaana uu Maxamed Cabdi Xaashi gudoonsiiyey abaal marino kala duwan Dhamaan miidiyayaasha kala duwan ee ka hawl galo labada magaalo ee Mataanaha ah, iyo Toronto, North Dakota, Rochester, Belgium. Waxaana soo diyaarshay Ururka Somali American Media Association Abdikarim Isse, iyo Madaxa Isgaarsiinta Transglobal Network Haji iyo Maxamed Xuseen Cusmaan oo xubin ka ah, Cali Muuse oo isna Xubin ka ah.iyo C/raxmaan Darbane oo asna Xubin ka ah, iyo Xubin Weeydoow, Xubin Mulki, Dr Eibakar Hassan Xubin.
Kala soo xiriir Somali American Media Assocation (SAMA) Contact us: P.o.Box: 580542 |